Akhbaaraha
Maqaalada Ciyaaraha
Video
Wareysi
Quraan
Contacts

 

 

 

 

 

 

 

 

 

15 maj, 2011

 
 

Barçelona oo markii 4aad la hoyaaday koobka Champions League


Barcelona ayaa qaadatay mark 4aad taariikhdeeda tartanka kooxaha yurub ee Champions League markii ay ciyaartii kama danbeysta aheyd oo ka dhacday garoonka Wembley Stadium ay Manchester United ku dubteen 3-1.

3da gool ee ay Barcelona ku badisay wax u kala dhaliyay 3da laacib ee weerarka kaga ciyaareysay kuwaasoo kala ah Lionel Messi, Pedro iyo David Villa waxeyn ugu danbeystii u xaqiijiyeen Barcelona iney gacanta u galiyaan koobka  UEFA Champions League waana markii 2aad oo ay qaadayaan mudo 3 sano gudahood ah.

3da madaale goolasha ay dhaliyeen waxey tirada guud ee goolash ay dhaliyeen sanadkaan ka dhigeysaa 98 gool oo ka mid ah 152 gool oo ay dhaliyeen guud ahaan..

Barcelona markii ugu horeysay oo ay koobkaan qaado waxy aheyd 1992 waxeyna ku qaaday isla garoonkaan Wembley – oo ay koobkii 4aad caawa oo axad ah ay ku qaaday. garoonka cusub ee Wembley waa mid ka mid ah garoomada ugu casrisan ee aduunka waxaana dib loo furay sanadkii  2007.

Kooxda rear England waxey garoonka ka aheyd marqaati, si weyn ayaana logo gacan sareeyay oo ciyaarta gabi ahaanba waxaa maamulayay wiilasha  kubadda jaamacada ugu soo baxay ee  Barcelona – waxey aheyd markii labaad oo ay Fiinaale isku arkaan 2daan kooxood sanadkii 2009 ayeey waxey ku wada ciyaareen Magaalada Rome, Barcelona ayaana xilligaa koobkii 2-0 kaga qaadatay United.

Goolhayaha reer Dutch, Edwin van der Sar kulankaan wuxuu u ahaa kiisii ugu danbeeyay ee uu u ciyaaro United, hayeeshe farxadii uu ciyaaraha uu kaga fariisan lahaa wax u diiday Barcelona.

 

during the UEFA Champions League final between FC Barcelona and Manchester United FC at Wembley Stadium on May 28, 2011 in London, England.

Barcelona, oo sanadkaan markii 3aad oo isku xigta ku guuleysatay horyaalka  Spanish league, ayaa waxey si toos ah ugu biiri doontaa kooxaha waweyn ee yurub oo koobkaan tirada ugu badan ku guuleystay waxeyna kala yihiin  Liverpool, AC Milan, Bayer Munich iyo Real Madrid.

 

Xiddiga reer Argentinian Messi, oo 23-sano jir ah goolkii uu xalay ka dhaliyay garoonka Wembley wuxuu ahaa kiisii ugu horeeyay ee uu ku dhaliyo ciida England, kaasoo uu ku soo bareejeeyay  record uu horay u dhigay Ruud van Nistelrooy oo 12 gool hal xilli ciyaareed ka dhaliyay Champions League, hayeeshee hada waxaa sidaasi oo kale sameeyay Messi oo sanadkaan tirada goolashii ku soo gabagabeeyay 56 gool  62 kulan oo uu ciyaaray

Cayaarahadunida.com

mamushe124@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


page 2 page 3 page 4 page 5 page 6 page 7 page 8 page 9 page10

© Ciyaaraha Dunida 2011 Mohamed Mokhtar