![]() | ||
![]() |
Taariikhda Sportiga ee Gobolka Hiraan
Gobolka Hiraan waxaa uu ka mid yahay goboladda Somaaliya ugu fac weyn lana aasaasay xilligii dalka uu ku jiray isticmaarka. Gobolka Hiraan waxaa kaloo uu caan ku yahay kaalintii uu ka soo qaatay xilliggii u dalka isticmaarka ku jiray iyo in ay ka soo baxeen hoggaamiyaal dalka can ka ah sida Cabdullahi Ciise .Adan Cabdulle Cismaan.iyo Shiikh Ali Jimcaalle. Taariikhiyan Gobolka Hiraan waxaa uu ka koobnaan jiray laba degmo ee dalka can ku ah kalena ah Beled Weyne iyo Bulo Burti inkastoo xilliyaddii dambe ee kacankii 21ka Oktoobar ay degmo nopotay Jalalaqsi. Ciyaarotydii hore ee aan soo gaarin ciyaaraha gobolada ee ka soo jeedo gobolka Hiraan waxaa ka mid ahaa gaar ahaan degmada Bulo Burti Axmadey Kutub, Bilow .A.Karaama.A. Ibi.Mohamed Odowa..Qaasim Xamaro.. jaad garee. Mohamed sheikh. Iyo Halyeygii boodada sare[Abdulle Nur Waasuge] oo haysto bilad dahab ah ee qaarada Afrika,cayaarao badan oo uu ka soo hooyay guulo la taaban karo wuxuu wadank u soo hooyay magac iyo maamuus aan la soo koobin karin, Abdi Guled,Khaliif Cigaal Dhicisow , Arjentiin, hassey,ISaaqey,Coonka, Dahir Weheliye, Mohamud Weheliye,Caasho DHEER, M use Ahmed Cadar, Abuukar Ali hoogsade, Fidle, Ali Beerxaano, Abey Kalaan, ITOB, iMBOOBE, aLI dHUUX,Amaan GULEED, omareeto, Bashir Abdi Daahir, Isma'il Gaabow, Qoslaaye,Ahmednuur [SUSOW] turubush,Iyeey,Omar Dhalaweyn, Omar MUSE, Waariye,Abdirashiid Abdi Subeer, BAKAALEY, aBUUKAR ,Abdi Subeer, XULI, Biriq,.Cowsow, Gaduudow QARBIREYS, Cadadey, Nuur Guudey,Qandho,Fahmo Jaamac, Maryan Ciise.GADUUDOW [Taabitey], Imboowe,MUSTAFEY[JEEG]CABEY XAAJI , Fatxi, Cabey Xaagiyow,Mohamed sh Abuukar , Ahmed Sh Abuukar,Weli Odowa, Abdullahi Shiino,Shuutow, Abdullahi yusuf Waabey,Nadiifo SH Abuukar , Bashir Abiikar,Aargute, Haddii aan u jaleycno dhanka Sportiga iyo kaalinta reer Hiraan guud ahaan ay ka soo qaateen horumarka Sportiga ee dalka iyo kaalmiha uu gobolka ka geli jiray ciyaarihii taarikhiga ahaa ee loogu magac daray ‘CAYAARAHA GOBOLADDA’. Sporti marka laga hadlaayo Gobolka Hiraan waxaa taariikhiyan jirtay in labada degmo ee uu gobolka ka koobnaa waa Beled Weyne iyo Bulo Burti in ay ka dhexeysay looltan iyo ficiltan. Ficiltanka noocaan ah ayaa sababatay in mar waliba oo ay kulmaan kooxo ka kala socdo labadan degmo in ay aheyd ciyaarta mid xiiso badan sahalna aan lagu kala bixin. Muddaddii ka horeysay Kacaankii 21ka Oktoobar degmada Bulo Burti waxa ay qabtay koox kubada cagta ah ee ciyaaro saaxiibtinimo u tegi jirtay Jowhar , Baydhaba iyo Marka si awoodooda ciyaareed u soo muujiyaan. Xilligan Bulo Burti ayaa isha ku heysay kooxaha ka dhisan koonfurta sida Jowhar , Marka iyo Baydhaba .sporti ah ee ka jiray Belet Weyne xiliggaas laakinse waxaa jiray koox xilligaas da’yareed oo la looltami jiray Bulo Burti. Is-bedelkii uu keenay Kacaankii 21ka Oktobar ayaa waxaa ka mid ahaa in sportigii awal ahaa kubada cagta oo kaliya in la badiyay oo la dhisay garoomo lagu ciyaaro kubada koldeyga. Degmooyinka gobolka Hiraan waa Beled Weyne iyo Bulo Burti labaduba waxa ay nasiib u heleen in laga dhisay garoomo kubada koleyga tan oo u sahashay in ciyaartoy badan ay fursado u helaan in ay ciyaaraan kubada koleyga wiilal iyo gabdhaba. Waxaase xusid mudan in ciyaaraha sida orodada, dabaasha, kubada miiska, kubada laliska ay iyaguna noqdeen kuwo reer Hiraan ay ciyaaraan in kastoo garoomada lagu ciyaaro ciyaarahan dambe ay ahaayeen kuwo xadidan oo aan sidaas u sii badneen. Xilliggii ay curteen Ciyaaraha Goboladda ee dalka Somaaliya tiradda gobolada dalka waxa ay ahaayeen 8 gobol oo kala ahaa Banadir, Hiraan, Mudug, Jubadda Hoose, Jubadda Sare, Waqooyi Galbeed , Waqooyi Bari iyo Nugaal. Gobolka Hiraan waxa uu ka mid ahaa gobolladdii isla markiiba caan ku noqday ciyaaraha goboladda iyo isagoo gobolka taageero fiican ku lahaa waa caasimada Somaaliya Muqdishu oo ay deggeenaayeen taageerayaal badan oo ka soo jeeday gobolka Hiraan. Gobolka Hiraan sannadihii hore ee ciyaaraha goboladda waxaa uu ku can noqday kubada cagta, ciyaaraha fudud iyo gabdhaha kubada koleyga. Waxaa dhacday muddo ku dhaw 10 sano in ciyaarta kama dambeysta ee gabdhaha kubada koleyga ay isku soo hari jireen gabdhaha gobolka Hiraan iyo Gobolka Banadir mar kastana ay guuleyusan jireen gabdhaha gobolka Banadir. Guushan isdaba jooga ahi ee gabdhaha gobolka Banadir waxa ay abuurtay in maamulka gobolka Hiraan ay cuqdad ka qaadaan Xiriirka Kubada Koleyga iyo gaar ahaan garsoorayaasha kubada koleyga gaar ahaan sannadkii taariikhiga ahaa ee gobolka Hiraan markii ay badiyeen gabdhahooda ciyaartii foul dhacay daraadeed la isgu celiyay ka dibna ay badiyeen gabdhihii gobolka Bandir. Waa sannadkii reer Hiiraan ay u baaraabbureen ama u gabyeen Xaji Colow guushii uu siiyaya gabdhaha gobolka Banadir daraadeed. Marka la eego gobolka Hiraan kaalinta uu ka qaatay kobcinta ciyaartoda heerka 1aad ee Naadiyada Somaaliya u ciyaari jiray waa kaalin lama illabaan ah iyo xattaa ciyaartoyda ku biiray Qaramadda kala duwan ee Somaaliya. Ciyaartoydan labadan heer ku biirtay waxaa ka mid ahaa Cabdulqadir Cise ‘Biyoole’ ee ahaa golhayihii Horseed, Cabey Dahir, Xassan Hamaama, Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad‘Shiino’, Kuukaay, Halimo Ciise ‘Cali’, Aweys Dahir, Bello, Qaali Xamaro, Caash khadar. Zamzam Abdullaahi.Siraad Mohamed,Abdirizaaq M Ali [zusow] iyo in kale oo badan. Xilligii Goboladda dalka la badiyay waxaad muddaa in sannadihii hore ciyaaraha ay fiicnaayeen laakin wixii ka dambeeyay 1980kii in ciyaaraha goboladda guud ahaan hoos u dhaceen tanna waxaa keentay iyaddoo himaladdii laga lahaa tartankan uu isbedelay siyaaso badana la soo geliyay. Tan ayaa keentay in tayaddii ciyaaraha ay hoos u dhacaan illaa ay gaartay in marka la gaaro tartanka ciyaaraha goboladda in ciyaartoy badani ay ka bixi jireen gobolka Banadir iyagoo u soo safan jiray gobolada dalka sida Bari, Galgaduud iyo wixii la halmaalo. Somaaliaya markii ay burburtay oo heyaddii dawliga aheyd ee sportiga dalka madaxda ka aheyd ay meesha ka baxaday maamulkii sportiga dalka waxaa uu gacan u galay rag aanan saaxiib u ahyen maamul sporti lana socon taariikhda sportiga Somaaliya. Hadde horey ayaa loo yiri ‘Niman talin jirin haddii uu taliyo nin aan tagi jirin ayaa tagaayo.. Sanadahan dambe waxaa maamulka GOS ee Somaaliya ay caadeysteen in gobolka Hiraan uu mar waliba wakiil ka noqdo shirarka masuulka wakiilka u ah Goboka Galgaduud. Gobolka Galgaduud marka la eego taariikhdiisa sporti mid u soo dhawaan karo ma aha gobolka Hiraan balse arrinta waxa ay noqotay nin indha la’ in la yiri nin indho qabo hoggaami. Si kastaba ha ahaatee manta dalka Somaaliya nidaamyada ka jiro wax lala yaabo ma aha sababta ay u dhacday dhacdada kor ku xusan balse waxa ay ku tuseysaa nidaam darada heerka ay maanta gaartay iyo weliba sidda loogu adkeysanaayo oo aan waxba laga qaban Karin. Waxaase xusid mudan in arrintan noocaan ah kuwo ka xun ay dalka ka dhacaan gaar ahaan maamulka sportiga ee dalka sannadihhii ugu dambeyay tanna waxaa suurta gelisay iyaddoo meesha ay ka maqan tahay dawlad masuuliyaddii maamulka sportiga dalka laheyd aysan weli jiran. Haddiise Eebo idmo ee dawlada maanta jirto ay ku guuleysato in hoggaankeeddii dawldnimo ay soo ceshato in uu dalka marxalad cusub uu geli doono sportiga dalkana uu noqon doono mid marxaladaasi cusub la jaan qaado isbedelna u keeno. Waxaase lama huraan noqon doonto in la heli doono Maamulo Sporti ee heer Gobol tanno oo sahli doonto in la ballaariyo maamulka sportiga ee dalka lagana dhigo waxa loo yaqaan inclusive si koox gaar ahi aysan u hantinin maamulka sportiga e dalka.
Cabdi Cabdullahi Xirsi
|
|