![]() | ||
![]() |
Casho Sharaf lagu soo dhaweeyay
Xasan Aadan Cabdulle
(Xasan wacdi)
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Xaflad si aad u heer saraysa loo soo agaasimay laguna soo dhawaynayey Cayaaryahankii weynaa ee Kooxda Batroolka,Waxool iyo Xulka Qranka K/Kolayga soomaaliyeed Mydane:Xasan Aadan Cabdulle (Xasan Wacdi) Cashadaas oo lagu qabtay Jubba Restrunte oo ku taalo Husby magaalada Stockholm.
Xafladdan oo ay bahwaynta sportiga ee degan magaalada Stockholm isla markaana ay ka soo qaybgaleen odayaal aad looga qadariyo bahdan sportiga, ayaa waxaa ugu horeyntiiba si farxad iyo walaaltinimo leh loogu soo dhaweeyey Xasan Wacdi magaalada Stockholm.
Hadaba Furitaankii Xaflada oo uu Xariirinaayay Maxamed Mukhtaar Sheikh wuxuu Codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Gu.Ku Xegeenka Ururka SKIF Abuukar Cabdulle (Dhabarey) oo ku hadlayey magaca bahwaynta sportiga ee degen magaalada Stockholm ku soo dhaweeyey wuxuuna warbixin gaaban ka siiyey magaalada iyo waliba bahwaynta sportiga ee Stockholm asagoo xusay mudadii ay soo bilaabeen Cayaarihii xagaaga ee K/Cagta iyo heerarkii ay soo mareen in loo aqoonsaday hooyadii Cayaaraha Yurub. Waxaa hadalkii qaatay bashiir Jeenyo wakiilka Stockholm arimaha Farsamada XSKC oo marka hore soo dhaweeyay Xasan wacdi wuxuu bashiir ku marti qaaday Cayaaraha Xagaaga K/Kolayga in uu ka soo qeyb galo 2012.
Waxaa hadalkii qaatay Wakiilka K/Kolayga ee arimaha Farsamada Stockholm Raage Meeryaa oo soo dhaweeyay Cayaaryahanka weyn ee K/kolayga Xsan Wacdi asagoo ka warbixiyay u diyaargarowga Cayaaraha xagaaga K/kolayga2012 ee soo socdo in ay ka dhacayaan xaafada ay soomaalida aad u daganyihiin ee Rinkeby ayadoo lagu marti qaadi doono Marti sharaf aad u heer sareyso hadii ilaah yiraahdo.
waxaa hadalkii Qaatay Gudoomiyihii hore ee Ururka SKIF Abuukar Aadan Deeqow ( Boos Caato) oo ka warbixiyay Cayaarihii sanadkaa quruxda badnaa sidii ay u dhaceen iyo marti sharaftii ka soo qeybgashay ayadoo sanadkaan Stockholm loo aqoonsaday in ay tahay Xarunkii K/Kolayga Yurub uuna ku dhawaaqay Xaghayaha XSKK Saciid Faarax oo ka soo qeyb galay sanadkii tagay 2011.
Waxaa hadal gaaban halkaas ka soo jeediyay Khabiir isboorti Axmed Sabriye Gaabow oo ka war bixiyay safar uu ku tagay Dubai shir ay yeesheen khabiiro ku xeel dheer arimaha isboortiga,kana war bixiyeen sidii lagu hor marinlahaa maamulka Xiriirada ay ula jaan qaadilahaayeen Caalamka.
Waxaa halkaas hadalo gaagaaban ka soo jeediyay mudanayaasha kala ah Low,Gaduudow,Axmed Xirsi,C/qaadir Macallin,Olol,ibraahim Galbeyti.
Waxaa hadalkii la siiyay HalyeyK/Kolayga xasanAadan Cabdulle (Xasan Wacdi) asagoo halkaas ka soo jeediyay khudbad dheer oo Taariikhdiisi ispoorti ku jirto taabaneyso hurumarinta spoortiga iyo Midnimada ka dibna ka mahadceliyay siddi diiraneed ee walaaltinimo oo loogu soo dhaweeyay Stockholm, waana mid ay ku amaananyihiin bahda spoortiga Sweden,
asagoo hadalkiisi sii wato wuxuu soo jeediyey kulana dardaarmay dhamaan bahdan in ay qayb ka qaataan dib u dhiska iyo nabadaynta dalkooda aysana cidla ku halayn, wuxuuna dhinaca kale ku amaanay jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo si fiican iskugu Xiran,Xasan Wacdi oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in la midoobaa lana hormariyaa tayada cayaaraha laguna dadaalaa sidii loo soo saarilahaa cayaartoy tayo leh ee anfaco qaranka soomaaliyeed,in laga qeybgalaa siminaarada ey bixiyaan Xiriirda iyo GOS lagana faaideestaa tababarada halkaas laga bixinaayo si loogu faaideeyo ubadaka soo koraayo ee ku nool qurbaha.
Ugu dambayntii waxaa halkaas goob joog ka ahaa Gudoomiye Ku:Xeg:XSKG Yoonis Galbeyte kana tirsan gudiga olympikada soomaaliyeed oo ka soo qeybgalay cashadaas lagu soo dhaweynayo Cayaaryahankii Weynaa ee K/Kolayga Soomaaliyeed Xasan Wacdi wuxuu halkaas ka soo jeediyay khudbad gaaban oo iskugu jiro soo dhaween iyo waano iyo in laga qeybqaato hurumarinta ispoortiga,waxaa halkaas khudbadihii soo gabagabeeyay Yoonis oo si fiican ugu mahadceliyay gudigii soo qabanqaabiyay Cashadaas,oo u dhcaday sidii loogu talagalay.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh Cayaarahadunida.com |
|
|
|
| |
|
|
| |
|
|
| |
|
|
| |
|
|
| |
|
|
| |
|
|
| |
|
|
| |