![]() | ||
![]() |
Xaflad Soo Dhaweyn ah oo Bahda ispoortiga Sweden u Sameeyeen Gudoomiyaha Dhaliyarada iyo isboortiga UK C/naasir Saciid Seef (Cabdidheeg) oo lagu qabtay Restrunte jubba. Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo ay u wadadhamaayeen bahda Isboortiga ee reer Sweden laguna soo dhaweynayey Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo isboortiga UK C/naasir Saciid seef (Abdidheeg) ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimada Sweden,Restrunte Jubba ee ku taalo xaafada Husby.
Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenkii Hore ee XSKC Cabdi Maxamuud Cabdulle (Cabdi Cadde) isagoo hadalkiisa ku furay waxaa farxad ii ah in Caawa uu nala joogo walaalkeen Cabdidheeg in badan oo idinka idin ka mid ah aad wada taqaanaan ,waa Nin Cawo bahada Isboortiga Soomaaliya qiimo weyn agtiisa ku leh ,maxaayeelay had iyo jeer wuxuu u taaganyahay hurumarinta ispoortiga ku soo dhawoow Sweden ,waana ku faraxsanahay booqashada aan noogu timid Sweden. waxaa isna hadalkii qaatay Gudoomiyaha SKIF Xamdi Sheikh Axmed oo ka hadlay Cayaarihii K/Kolayga ee la soo qabtay sanadihii na soo dhaafay iyo u diyaargarowga sanadkaan uu sheegay in ay ka soo qeybgalidoonaan Kooxo badan oo ay ku jiraan Gabdhaha Xulka qaranka Soomaaliyeed iyo marti sharaf badan oo halkaan lagu soo koobinkarin,Wuxuu si farxad leh ku soo dhaweeyay walaalkiis Cabdidheeg ku soo dhawow sweden. waxaa isna halkaas ka hadlay Gudoomiye ku Xegeenka Ururka SEUKI Faysal Makaraan ahna Xubin GOS,wuxuu isna ka hadlay sanadkaan u diyaargarowga Cayaaraha K/Cagta ee xagaaga lagu qabto Stockholm,asagoo sheegay in sandkaa Kooxaha loo qabandoono Cayaaro aad u quruxbadan oo tayadooda wanaagsantahay,wuxuu ka loo sheegay faysal Makaraan in lagu Casumay Martisharaf badan oo ka kala imanayaa aduunyada dacaladeeda,Wuxuu si farxad ku jirto u Casumay Gudoomiyaha dhalinyarada iyo isboortiga UK Cabdidheeg kuna yiri soo dhawow walaal. Waxaa isna halkaas ka hadlay Ku Xeg Hore ee Xaghayaha GOS xasan Gella asagoo soo jeediyay talooyin badan in la hormariyo Tayada Cayaartoyda iyo in la qabto Siminaaro badan oo lagu wacyi galinaayo dhalinyarada soo koreyso in la baro Xirfadaha badan ee Cayaarha ay ka koobanyihiin,si mustaqbalka loo helo cayaartoy Fiican oo qaranka anfaco Wuxuuna soo dhaweeyay Walaalkiis Cabdidheeg. waxaa hadalkii qaatay Abuukar Aadan deeqow (Boos Caato) oo ah Wakiilka XSKC ee SKANDANVEA oo sheegay in Cabdidheeg uu yahay Nin qaali ah oo har iyo habeen u soo jeedo hurumarinta ispoortiga una huro malkiisa iyo muruqiisa kuna dadaalo in uu had iyo jeer isku keeno dhaliyarada Cayaaraha maamulo ama cayaaro,wuxuuna ku dadaalaa Midnimada,xaliyana khilaaf kala dhexgalo,Boos Caato hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ay mid yihiin bahda ispoortiga Sweden oo ay meel ka soo wada jeedaan,waxaan rajeyneynaa in ay ku daydaa kuwa khilaafka hareeyay UK. Waxaa isna ka hadlay xafladaa aadka u quruxda badneed Cayaaryahaykii Weynaa Xulka qaranka K/Miiska Cabdulqaadir Xaaji (Akookow)oo sheegay in sanadkaan Cayaaraha Xagaaga la Qabandoono Cayaarha K/Miiska oo uu hada Cayaartoy badan uu Tababaraa si ay uga qeyb galaan Cayaaraha Aduunka ka dhacaayo,wuxuu ka loo sheegay in waagii uu cayaari jiray ay kaalimo fiican ka galijireen Tartamada la qabanjiray,wuxuu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo isboortiga UK Cabdidheeg ku soo dhawow sweden. Waxaa isna hadalkii qaatay Gudoomiye ku Xeenka Xiriirka K/Gacanta (handboll) Yonis Galbeyte oo marka hore ka mahad Celiyay Xafladaan aadka u quruxda badan oo sida fiican loo soo agaasimay,wuxuu ka waramay Gudoomiyaha dhalinyarada iyo isboortiga UK Cabdidheeg Waa Nin Saciim ah oo aan la helikarin wuxuu marwaliba ku dadaalaa sidii loo hurumarinlahaa ispoortiga dhalintana la iskugu keenilahaa khliaafka ka dhexeeyo waa Nin ku dadaalo Midnimada UK wax badan ka qabtay,waan soo dhaweeynayaa walaalkey ku soo dhawow Sweden. Gabagabadii Xaflada Soo dhaweynta Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo isboortiga UK C/naasir Saciid Seef(Cabdidheeg) oo eheed mid si wanaagsan loo soo agaasimay dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa:- 1) Bashiir Jeenyo (Wakiilka XSKC Sweden) 2) Ibraahim Galbeyte 3) Wali maalim Shaaciye 4) Afrax Dheere 5) C/qaadir Dheere 6) Daamey 7) Ganacsadaha weyn C/qaadir Shire Galbeyte 8) C/kariin Maxamed Aadan 9) Mahad Islow Yare, iyo in badan oo aan halkaan lagu soo koobin karin xafladaas waxay ku soo gabagabowday Farxad iyo Jawi aad u wanaagsan. Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar sheikh
|
|