Akhbaaraha
Video
Wareysi
Contacts

 

 

 

 

 

 

 

  

 

  

 

 

 

 

 

 

Muxaadarooyin

Somali Music

Live Universal TV

Somali Music Videos

MarkaCadey Radio 04:00-04:30
MarkaCadey Radio 11:00-11:10
MarkaCadey Radio 14:00-15:00
MarkaCadey Radio 18:00-18:30
MarkaCadey Radio Universaltv.co.uk
MarkaCadey Radio

VOA Somali 4pm
VOA Somali 7pm
VOA Somali 8pm
 

    


 
 

Platini oo markii 2aad loo doortay Gudoomiyaha UEFA

Michel Platini
N

 

Michel Platini ayaa markii 2aad oo isku xigta loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo ururka k/cagta ee qaarada yurub ee UEFA iyadoo aysan cidna kula tartamin jagadaasi.

Doorashada waxaa goob joogayaal ka ahaa Sepp Blatter iyo Mohamed bin Hammam, oo isku heysa xilka madaxweyninamo ee FIFA.

Bin Hamman wuxuu doonayaa inuu heshiis la galo Platini si uu daaqada ugu saaro Blatter. Blatter, wuxuu xilka FIFA soo hayay ilaa iyo 1998.

Captain-kii hore ee France,wuxuu sheegay markii la doortay kadib in muhiimada uu siin doono sidii Champions League uu u noqon lahaa mid furan oo wadamada yar yar kooxahooda ay ugu soo qeybgalaan,  guud ahaan 53 xiriir ee ururkaasi ku jira.

55-sano jirkaasi wuxuu k/cagta ee yurub soo maamulayay ilaa iyo 2007, wuxuuna u soo ciyaaray kooxo ay ka mid ahaayeen Nancy, St Etienne iyo Juventus.

Platini wuxuu balaariyay tartanka xulalka yurub isagoo tartanka Euro ee 2016, kaasoo lagu qaban doono France, ay ka qeybgali doonaan 24 xul halkii markii hore ay ka ahaan jireen 16 oo kaliyaha.

Platini wuxuu Champions League isreebreebkiisa ka dhigay mid ay ka qeybgali karaan kooxaha wadamada yurub ka jira oo dhan si ay ugu soo qeybgalaan heerka group stage, wax badan ayuu qabtay intuu hayay Xilkaas.

Waxaa diyaariyay

 Maxamed Mukhtaar Sheikh

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


page 2 page 3 page 4 page 5 page 6 page 7 page 8 page 9 page10

© Ciyaaraha Dunida 2011 Mohamed Mokhtar