Published On: Thu, Mar 22nd, 2018

22 03 2018 

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Henrikh Mkhitaryan ayaa maanta oo Khamiis ah la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga sanadka Armenia ee Armenia’s Footballer of the Year 2017.

Abaal-marintan xafladda lagu bixinayey ayaa lagu qabtay caasimadda Waddanka Armenia ee Yerevan football academy sida uu soo warinayo wariyaha ciyaaraha ee halkaas uga soo warama NEWS.am.

Sanadkii 2017 xiddigii ugu fiinaa waxaa loo aqoonsaday Mkhitaryan, waxaana kabtanka xulka qaranka ee Mkhitaryan loo magacaabay xiddiga sanadka dalkiisa markii siddeedaad, iyadoo todobo sano uu si xiiriir ah ugu guuleysanayo.

Mkhitaryan ayaa ku sugan Magaalada Yerevan halkaasoo uu tababar kula qaadanayo xulkiisa qaranka Armenia oo kulan saaxiibtiinimo la kala ciyaari doona Estonia (Sabtida) iyo Lithuania (27 Maarso).

MUUQAAL:

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved