Published On: Tue, May 17th, 2016

250 kun qof oo usoo baxay dabaaldega guusha kooxda Leicester City ku hanaday horyaalka Ingiriiska:

17 05 2016

15

In ka bada 250,000 taageerayaal jibeysan ayaa isugu soo baxay magaalada Leicester, si ay ugu dabaal degaan guusha geesayaashii usoo hoyiyay 132 sano oo kooxda Leicester City jirtay aan indhaha saarin koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Dadkaan oo socod kuso maray magaalada ayaa isugu soo aruuray barxada Victoria Park ee magaalada Leicester, halkaasi oo iyagana bus dusha ka furan ay ku yimaadeen halyeeyada guusha keenay, iyagoo kor u waday koobka dhaldhalaaya ee horyaalka Premier League, halkaasi oo ay kula hadleen taageerayaashooda oo aad u jidbeysnaa.leicester-city-2

Sidoo kale, waxaa kasoo qeybgalay xafladdan maamulka degmada Leicester, milkiilaha kooxda, tababare Ranieri oo loo arkay inuu horseeday guushaan.

Dhinaca kale, Macallinka kooxda Leicester City, Claudio Ranieri, ayaa loo magacaabay tababaraha sanadka ee xilli ciyaareedka hadda dhammaaday.leicester-city-3

Waxaa u codeeyay tababarayaasha kale ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska, waxaa sidoo kale la siiyay bilad sharaf gaar ah oo uu leeyahay horyaalka Ingiriiska, waxaana uu noqonayaa tababarihii labaad ee aan Britain ama Ireland u dhalan ee billadaasi hanta.. Waxaa uga horreeyay Arsene Wenger oo Arsenal tababare u ah, kaasoo ku guuleystay sanadihii 2002 iyo 2004.

Ninkan Talyaaniga u dhashay ee 64 jirka ah, ayaa kooxda Leicester City ku hagay horyaalkii ugu horreeyay ee ay qaado, tan iyo markii la asaasay 132 ka hor.
leicester-city-4 leicester-city-5 leicester-city-6 leicester-city-7 leicester-city-8 leicester-city-9 leicester-city-10 leicester-city-11 leicester-city-12 leicester-city-13 leicester-city-14  leicester-city-16 leicester-city-17

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved